Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

Date:

Muqdisho, Diseembar, 25, 2025; Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa maanta codkeeda ka dhiibatay Seejada Xarunta degmada Dharkiinleey ee Gobolka Benaadir oo ka mid ah goobaha loo asteeyay, cod bixinta dadweynaha iska diiwaan galiyay degmadaasi.

Marwo Sahro ayaa ku tilmaantay Guul taariikhi ah oo usoo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed iyo tallaabo wanaagsan oo loo qaaday jihada horumarka, in 57 sano kaddib Shacabka Caasimadda Muqdisho ay fursad u helaan, in ay codkooda kusoo doortaan Wakiiladooda Golaha Deegaanka Degmooyinka Gobolka Benaadir.

Ugu dambayn, Marwada ayaa ku bogaadisay Guddiga Qaran ee Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha iyo Hay’adaha Ammaanka dalka, sida xilkasnimada leh ee ay u guteen wajibaadkooda shaqo, isla markaana ay u xaqiijiyeen in doorashadu ku qabsoonto hannaan amni ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

Muqdisho, Diseembar 25, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeysay Doorashada.

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho oo Qoreysa Taariikh Cusub.

Magaalada Muqdisho waxay maanta qortay taariikh baal dahab ah...