Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa maanta ku dhawaaqay in la geliyay heegan buuxa dhammaan Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah iyo shaqaalaha u tababaran samatabixinta. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah diyaar-garowga sugidda amniga iyo daryeelka bulshada inta lagu guda jiro doorashada Golaha Deegaanka ee dhici doonta 25-ka December.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulka uu ka go’an yahay badbaadada shacabka, isla markaana ay muhiim tahay in adeegyada caafimaadka iyo gurmadka degdegga ah ay si hufan uga jawaabaan xaalad kasta oo soo korota. Waxa uu sidoo kale xusay in shaqaalaha gurmadka loo diyaariyay agabkii lagama maarmaanka u ahaa howlahooda.

Tani waxay muujinaysaa dadaalka Gobolka Banaadir uu ugu jiro ilaalinta badqabka shacabka, xilli ay doorashadu mareyso heerkii ugu sareeyay.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in waaxyaha Gurmadka Degdegga ah iyo Caafimaadka ay diyaariyeen gaadiid iyo shaqaale ku filan, kuwaas oo ku jira heegan buuxa si ay uga jawaabaan xaalad kasta oo degdeg ah oo dhici karta, maadaama magaalada Muqdisho ay galeyso doorasho maalinta berri ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in Dowladda Hoose ay si buuxda u diyaarisay gaadiidka dab-damiska, ambalaasyada iyo shaqaale tababaran, kuwaas oo shaqeyn doona 24-saac, si loo xaqiijiyo bedqabka iyo badbaadada shacabka caasimadda ee doorashada u diyaarsan.

Sidoo kale, maamulka Gobolka ayaa mar kale muwaadiniinta ku baraarijiyey lambarka gaaban oo ah 991, kaas oo ay la soo xiriiri karaan marka ay u baahdaan gargaar degdeg ah.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa carrabka ku adkeeyay in Dowladda Hoose ay mar walba u taagan tahay adeegga iyo daryeelka shacabkeeda, isaga oo ugu baaqay bulshada Muqdisho inay si nabad ah, oo masuuliyad leh uga qaybqaataan doorashada maalinta berri ah ka dhaceyso Muqdisho.

Waxaa kulanka ka qaybgalay, Guddoomiye ku-xigeennada Amniga iyo Siyaasadda, Hawlaha Guud, Agaasimeyaal iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.

La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee dhinaca dhaqaalaha, ahna Guddoomiyaha Golaha...

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen),...

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...