Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Date:

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Faarax Nuux; Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS mudane Maxmuud Cabdiraxmaan Beene-beene; iyo Wasiir Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, Mudane Cabdikariim Cabdow Xaydar, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay degmada Warta-nabada ee Gobolka Banaadir.

Kormeerkan ayaa diiradda lagu saaray u kuurgalidda habsami u socodka qaadashada kaararka cod-bixinta ee doorashooyinka Golaha Deegaanka, kuwaas oo la qorsheeyay inay ka dhacaan 25-ka December magaalada Muqdisho. Mas’uuliyiintu waxay booqdeen goobaha diiwaangelinta, iyaga oo ka war-qaatey howlaha socda, kana dhageystay warbixino ay bixiyeen guddiyada iyo mas’uuliyiinta heer degmo.

Intii uu kormeerku socday, Wasiirradu waxay bogaadiyeen dadaalka shaqaalaha ku howlan diiwaangelinta iyo kaar-qaadashada, iyaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in shacabka si hufan, ammaan ah, isla markaana waqtiyeysan u helaan kaararkooda cod-bixinta. Sidoo kale, waxay ku dhiirrigeliyeen bulshada degmada Warta-nabada inay ka qeyb qaataan geeddi-socodka dimuqraadiyadeed, una diyaar garoobaan ka qeybgalka doorashada.

Sidoo kale xubno ka tirsan xukuumadda ayaa kormeer ku tagay degmooyinka Dharkeenley, Wadajir, Xamarweyne iyo Shengaani, halkaas oo ay ka socodeen qaadashada kaarka codbixinta iyo ololaha u diyaar garowga maalinta codbixinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre...

Ururada siyaasadeed oo olole doorasho ka wada Muqdisho

Xilli maalmo kooban ay ka harsanyihiin maalinta codbixinta doorashada...

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin...