Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar โ€˜si sharci darro ahโ€™ hub ugu dhex watay Muqdisho

Date:

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari oo lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah hub ugu dhex wateen Muqdisho, iyagoo jabiyay awaamiir hore oo ay soo saareen hayโ€™adaha ammaanka.

Booliiska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Bartamaha, ayaa qabtay askartan, waxaana la sheegay in maxkamad loo gudbin doono maadaama ay ka dhega-fureysteen amarka mamnuucaya in askari aan shaqo ku jirin hub la dhex maro magaalada.

Sidoo kale, hayโ€™adaha ammaanka Dowladda Federaalka ayaa horay u mamnuucay hubka culus, ilaalo badan, iyo qaadashada hubka gudaha caasimadda si loo adkeeyo amniga Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale