Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Date:

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa si rasmi ah u furay Madasha 3aad ee Amniga Saaybarka Qaranka, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda amniga dhijitaalka ee dalka.

Wasiirku wuxuu sheegay in Dowladda ay dhawaan daahfuri doonto xarun gaar ah oo looga hortago lagana jawaabo weerarrada amniga saaybarka, wuxuuna ku booriyay jaamacadaha iyo bahda cilmi-baarista in ay kordhiyaan daraasadaha la xiriira amniga dhijitaalka, isaga oo xusay doorka Jaamacadda Muqdisho.

Dhankiisa, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa soo dhoweeyay ka-qaybgalayaasha madasha, kuna tilmaamay mid muhiim u ah kor u qaadista wacyiga amniga dhijitaalka ee Soomaaliya.

Maareeyaha Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA), Cabdiwali Cali Cabdulle, ayaa sheegay in Soomaaliya ay dhanka tignoolajiyadda kaga horreyso dalal badan, balse ay muhiim tahay in la sameeyo shuruuc lagu xakameynayo khataraha internet-ka.

Dhankiisa, Maareeyaha Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliya, Maxamed Nuur Colow, ayaa sheegay in dowladdu waddo horumar ballaaran oo dhanka dhijitaalka ah, isla markaana haddii aan loo diyaargaroobin ilaalinta amniga internet-ka ay ka dhalan karto halis saameyn ballaaran leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...