Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeybgalay munaasabad isugu jirtay soo-dhaweyn iyo sagootin Aas-aaska Ciidanka Booliska

Date:

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qayb galay munaasabad isugu jirtay soo-dhaweyn iyo sagootin oo loo sameeyay sannad-guuradii 82-aad ee Aas-aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taas oo xalay lagu qabtay Xarunta Ciidanka Booliska ee Janaraal Kaahiye, magaalada Muqdisho.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, saraakiil sare iyo xubno kale oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi (Asad Diyaano), oo munaasabadda ka hadlay ayaa hambalyo u diray dhammaan ciidamada Booliska, isagoo uga mahadceliyay guddiga qaban-qaabada dadaalka ay ku bixiyeen xuska sannad-guuradii 82-aad ee aasaaska ciidanka.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa ammaanay guulaha ay ciidamada amniga ka gaareen sugidda amniga caasimadda, wuxuuna ku dardaarmay in ay sii xoojiyaan nabadda iyo amniga ay maanta ku naaloonayaan shacabka Soomaaliyeed.

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa isna hambalyo kadib sheegay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay sameeyeen horumarro kala duwan, isagoo Taliyaha Ciidanka Booliska ku ammaanay waxqabadka muuqda iyo dadaalka joogtada ah ee ay ciidanku ku tallaabsadeen.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la aasaasay sannadkii 1943-kii, ayaa ka mid ah ciidamada qalabka sida, door muhiim ahna ka qaatay sugidda amniga iyo kala dambeynta guud ahaan dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Wasiirro ka tirsan XFS oo Bandhigga Difaaca Adduunka kaga qeyb galay Riyaadh

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...