Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir ballaaran oo looga hadlaayo ka-jawaabista abaaraha ka jira dalka.

Shirkan, oo ka socda Xarunta Qaran ee Gurmadka Degdegga ah ee Hay’adda SoDMA, waxaa ka qeyb galaya qaar ka mid ah wasiirrada Dowlad-goboleedyada dalka, Maamulka Gobolka Banaadir, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyo masuuliyiin kale oo heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah.

Shirkaan ka furmay Moqdisho, diiradda waxaa lagu saarayaa qiimeynta xaaladda abaaraha ee dalka, saameynta ay ku yeesheen nolosha dadka, iyo sidii si wadajir ah oo degdeg ah looga jawaabi lahaa baahiyaha degdegga ah ee dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa hadal uu ka jeediyay furitaanka shirka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in gargaar degdeg ah loo fidiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen, si loo badbaadiyo noloshooda loona yareeyo saameynta musiibada, isaga oo ku baaqay iskaashi iyo isku-duubni dhammaan hay’adaha ay khuseyso arrintan.

Ugu danbeyn Guddoomiyuhu waxa uu sidoo kale tilmaamay in Hay’adda SoDMA ay sii wadi doonto dadaallada gurmadka iyo isku-xirka hay’adaha kala duwan, si loo xaqiijiyo in gargaar wax ku ool ah uu gaaro dadka u baahan ee ku nool deegaanada ay abaaruhu sida daran u saameeyeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Aqalka sare ee maanta?

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...