Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya oo Ankara kula kulmay dhiggiisa Turkiga.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga kulan miro-dhal ah kula yeeshay Wasiirka Beeraha iyo Kaymaha Turkiga, Mudane İbrahim Yumaklı.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan labada wasaaradood, iyo dardargelinta fulinta heshiisyadii horay loo gaaray, iyadoo si gaar ah loo xusay Heshiiska Iskaashiga iyo Horumarinta Waxsoosaarka Badda oo muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha kheyraadka badda ee Soomaaliya.

Wasiir Axmed Xasan Aadan ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada joogtada ah iyo xiriirka walaaltinimo ee labada dal ka dhaxeeya.

Wasiirka Beeraha iyo Kaymaha Turkiga, Mudane İbrahim Yumaklı, ayaa dhankiisa caddeeyay in dowladdiisu ka go’an tahay inay sii xoojiso taageerada ay siiso Soomaaliya iyo in la dhaqan geliyo dhammaan heshiisyada la saxiixay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbax ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay keydad biyo ah oo ay lahaayeen Khawaarijta

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay keydkii...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Beljimka oo ka bannaan-baxay aqoonsi beenaadka Israa’iil

Dadweynaha Soomaaliyeed ee deggan dalka Beljimka ayaa qabtay bannaanbax...

Xogta Xafiiska Hantdhowrka ee hufnaanta iyo qabashada Dakhliga Dowladda

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan...