Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Date:

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta tababar usoo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo dhammeystay tababar socday muddo 90 maalmood ah, lana xiriiray xirfado amni oo khaas ah.

Wasiirka ayaa kula dardaarmay gabdhaha tababarka dhammeystay, oo ka tirsan galaaska lixaad ee Ciidanka Gaarka ah ee Galleyr, inay si daacad ah ugu adeegaan dalkooda iyo bulshadooda, isla markaana ay Qaranka uga faaโ€™iideeyaan aqoonta iyo xirfadaha ay tababarka ku soo qaateen.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu bogaadiyay doorka muhiimka ah ee haweenku ka qaadanayaan sugidda amniga iyo dhismaha hayโ€™adaha amniga dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale