Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Date:

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka gawaarida gaashaaman ee MU ayaa howlgallo qorsheysan oo amni xaqiijin ah ka sameeyay deegaannada Basro, Baqdaad, Jambaluul iyo tuulooyin kale oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay muddooyinkii dambe ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta.

Howlgalka oo ka bilowday deegaanka Basro, ayaa Ciidanka Danab ku burburiyeen godadkii ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen, iyadoo dhagar-qabayaashii halkaas ku sugnaa ay carareen, ka dib markii ay la kulmeen awood ciidan oo culus.

Sidoo kale, Ciidamadu waxay burburiyeen goobihii ay Khawaarijtu kaga dhuumaaleysanayeen deegaannada Jambaluul iyo Baqdaad, waxaana ay dib u soo celiyeen amnigii iyo xasilloonidii guud ee deegaanka. Ciidanka ayaa weli ku raad-jooga firxadka nabadiidka ee ka baxsaday goobahaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...