Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

Date:

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala saxiixday Hagaha Hirgelinta Qorshaha 2025 ee lagu xoojinayo ilaalinta carruurta ay saameeyeen colaadaha hubeysan.

Hagahan waxaa Dowladda Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi; halka dhinaca Qaramada Midoobayna ay u saxiixeen Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Mudane James Swan, iyo Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya, Marwo Sandra Latouff.

Saxiixan wuxuu muujinayaa dib-u-habeyn qaran oo joogto ah, wuxuuna xoojinayaa isla xisaabtanka hayโ€™adaha amniga iyo ilaalinta badqabka carruurta.

Qorshahani wuxuu ka tarjumayaa horumaradii la gaaray sannadihii la soo dhaafay iyo goโ€™aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah in si dhab ah looga hortago xadgudubyada culus ee ka dhanka ah carruurta, iyadoo lala kaashanayo saaxiibada caalamiga ah si loo ilaaliyo mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed.

Munaasabadda saxiixa waxaa goobjoog ka ahaa xubnaha Guddiga Isku-dhafka Wasaaradaha ee Arrimaha Carruurta iyo Colaadaha Hubeysan (CAAC) oo ka socda Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga Gudaha, Cadaaladda, Arrimaha Dastuurka, iyo Qoyska & Horumarinta Xuquuqda Aadanaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...