Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Date:

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in guddigu uu bilaabayo daabulidda qalabka rasmiga ah ee lagu codeyn doono, si loo geeyo xarumaha loogu talagalay codbixinta degmooyinka kala duwan ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in diyaarinta qalabka codbixinta ay tahay mid muhiim u ah sidii doorashadu ugu dhici lahayd si hufan, amni ah, loona xaqiijin lahaa in muwaadiniinta codkooda si xor ah u dhiibtaan maalinta doorashada ee la qorsheeyay 25-ka Diseembar.

“Qalabkii lagu codeyn lahaa ayaan rabnaa in aan si degdeg ah ugu daabulno xarumaha loogu talagalay codbixinta, si aan ugu diyaar garowno waqtiga doorashada oo aad noogu dhow,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdikariin.

Guddiga Doorashooyinka ayaa xusay in dhammaan hay’adaha amniga lala kaashanayo arrimaha sugidda amniga iyo ilaalinta qalabka, iyadoo sidoo kale la diyaarinayo tababarro loogu talagalay shaqaalaha ka howlgelaya goobaha codbixinta.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Guddiga Doorashooyinka Qaranka uu ugu jiro qabsoomidda doorasho xor ah, cadaalad ah, oo waqtigeeda ku dhacda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...