Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta xafiiskiisa kulan miro-dhal ah kula qaatay Safiirka Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Danjire Axmed Bin Maxamed Almowallad.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudi Carabiya, gaar ahaan dhinacyada taageerada hayโ€™adaha dowliga ah, horumarinta Baarlamaanka, iyo iskaashiga arrimaha siyaasadda iyo horumarka.

Safiirka ayaa bogaadiyay dadaallada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Baarlamaanka Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha hayโ€™adaha sharci-dejinta, wuxuuna caddeeyay in Dowladda Sucuudigu sii xoojin doonto taageeradeeda ku aaddan horumarka, xasilloonida iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyay Dowladda Sucuudiga kaalinta ay ka qaadato taageerada Soomaaliya, isagoo si gaar ah u xusay doorkooda ku aaddan gargaar baniโ€™aadanimo, horumarinta adeegyada bulshada, iyo garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad iyo ballan-qaad ku aaddan sii wadidda wada-shaqeyn dhow oo labada dhinac ah, taas oo dan u ah labada dal iyo shacabkooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...