Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Date:

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Axmed Cabdullahi (Abukaate), ayaa ka qaybgalay shirkii labaad ee Madasha Ganacsiga ee Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA) oo ka dhacay Marrakech, Morocco.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray sidii si wadajir ah iyo hufnaan loogu hirgelin lahaa AfCFTA, waxaana ka qaybgalay wasiirrada ganacsiga ee Afrika, madaxda hay’adaha ganacsiga, iyo hoggaamiyeyaasha ganacsi ee qaaradda.

Intii uu shirku socday, Mudane Maxamuud Axmed Cabdullahi (Abukaate) ayaa la kulmay madaxda sare ee AfCFTA, Ra’iisul Wasaaraha Morocco, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Morocco, iyo wasiirrada ganacsiga ee dalalka Tanzania, Itoobiya, Koonfurta Suudaan, iyo Jabuuti.

Kulamadan ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah, horumarinta iskaashiga ganacsi, iyo kobcinta doorka Soomaaliya ee isdhexgalka Afrika.

Ka qaybgalka Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha wuxuu muujinayaa sida Soomaaliya uga go’an tahay isku xirka ganacsiga gobolka, fulinta heshiiska AfCFTA si hufan, ka faa’iidaysiga fursadaha ganacsi ee gobolka, iyo kor u qaadista muuqaalka Soomaaliya ee madalaha ganacsiga ee qaaradda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Beljimka oo ka bannaan-baxay aqoonsi beenaadka Israa’iil

Dadweynaha Soomaaliyeed ee deggan dalka Beljimka ayaa qabtay bannaanbax...

Xogta Xafiiska Hantdhowrka ee hufnaanta iyo qabashada Dakhliga Dowladda

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan...

Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Aqalka sare ee maanta?

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...