Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Date:

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa wasaaradaha ay wada-shaqeeyaan iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa si rasmi ah u daahfurtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka ee SDG-yada iyo Warbixinta Tilmaamayaasha Tamarta ee SDG-7.

Labadan warbixin waxay xoojinayaan saldhigga xogta iyo caddaynta qaran, iyagoo isu keenaya xog rasmi ah oo muujinaysa heerka horumarka iyo caqabadaha ka jira tilmaamayaasha muhiimka ah ee deegaanka iyo tamarta. Tani waxay gacan ka geysanaysaa qorshayn wax-ku-ool ah, adeeg-bixin hufan, iyo go’aanno maalgashi oo ku salaysan xog sax ah.

Daahfurkani wuxuu muujinayaa horum laga sameeyay adeegsiga xogta maamulka ee wasaaradaha (administrative data) ee warbixinta qaranka, wuxuuna door weyn ka qaadanayaa diyaar-garowga Soomaaliya ee Voluntary National Review (VNR) 2026.

SNBS waxay uga mahadcelinaysaa dhammaan wasaaradaha iyo bah-wadaagta ka qayb qaatay bixinta xogta, taageerada farsamo, iyo wada-shaqeynta suurtagelisay warbixinnadan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbax ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay keydad biyo ah oo ay lahaayeen Khawaarijta

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay keydkii...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Beljimka oo ka bannaan-baxay aqoonsi beenaadka Israa’iil

Dadweynaha Soomaaliyeed ee deggan dalka Beljimka ayaa qabtay bannaanbax...

Xogta Xafiiska Hantdhowrka ee hufnaanta iyo qabashada Dakhliga Dowladda

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan...