๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–asaaraha XFS ๐จ๐จ ๐ฑ๐š๐ซ๐ข๐ ๐ ๐š ๐ค๐š ๐ฃ๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐ฌ๐ซ๐š๐ฑ๐š ๐๐ซ๐จ๐Ÿ. ๐’๐ก๐š๐ซ๐ข๐ข๐Ÿ ๐’๐š๐š๐ฅ๐š๐ฑ ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐”๐ฆ๐ฆ๐š๐๐๐š

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Caawa ka qeyb galay munaasabad xarigga looga jarayey Masraxa Prof. Shariif Saalax Maxamed Cali, ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa sheegay in furitaanka masraxa cusub uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo horumarinta waxbarashada, dhaqanka, fanka iyo cilmi-baarista, isla markaana uu dhiirrigelinayo hal-abuurka iyo doorka ay jaamacaduhu ku leeyihiin kobcinta aqoonta iyo wacyigelinta Bulshada.

โ€œJaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waa hoggaamiye, Waxaa ay hoggaamisaa Tacliinta sare ee dalka, Waxaana rajeynayaa in ay noqoto hoggaamiye wanaagsan, si ay booskaas u buuxisana waxaan ku dadaali doonaa in aan hormarinnoโ€. Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay in Sanadka soo aaddan ee 2026 ay dalka ka bilaaban doonto qodista iyo soo saarista Shidaalka taas oo wax weyn ka badali doonta nolosha dadka Soomaaliyeed.

Munaasabadda Xarigjarka Masraxa oo loogu magac daray Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Ummadda sidoo kalena ka mid ahaa guddigii qorista Farta Soomaaliga Prof. Shariif Saalax Maxamed Cali waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, maamulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, aqoonyahanno, arday, iyo marti sharaf kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...