Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Date:

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa maanta si rasmi ah dhagax dhigay dhismaha cusub ee saldhigga Booliiska degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda amniga gudaha, saraakiil sare oo Boolis ah, maamulka degmada Howlwadaag iyo xubno ka socday bulshada rayidka ah.

Dhismahan cusub ayaa lagu wadaa in uu noqdo mid casri ah oo kor u qaada awoodda laamaha amniga degmada, lana jaanqaadi kara baahiyaha amni ee deegaanka.

Taliyaha saldhigga Howlwadaag Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Xasan Cali ayaa sheegay in ay tahay farxad gaar ah in saldhigga degmada uu yeelanayo dhismo cusub oo casri ah, taas oo sare u qaadi doonta adeegyada Booliska iyo kalsoonida shacabka.

Dowladda ayaa horey u shaacisay qorshe ballaaran oo dib-u-dhis loogu sameynayo xarumaha Booliska si loo xoojiyo amniga iyo la-dagaalanka dambiyada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay...

Diinsoor oo ku soo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa u...

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...