Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Date:

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ku qabtay kulan dadweyne oo looga hadlayay doorka ururada bulshada ay ku yeelan karaan socodsiinta howlaha maamulka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qorshaha fulinta shuruucda horyaalla baarlamaanka iyo ansixinta miisaaniyadda, waxaana ururada bulshada ay soo jeediyeen talooyin wax ku ool ah oo lagu xoojin karo qorshayaasha socda.

Qodobada muhiimka ah ee kulanka lagu soo bandhigay waxaa ka mid ahaa:

– Kor u qaadidda dakhliga gudaha

– Casriyeynta nidaamka canshuuraha

– Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha

– Ilaalinta hantida guud ee shacabka

Mas’uuliyiinta ka hadlay kulanka waxaa ka mid ahaa Wasiiru-dowlaha Maaliyadda Hirshabeelle Cumar Maxamed Soomane iyo Xildhibaan Cumar Maxamed Cumar (Gaab).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay...

Diinsoor oo ku soo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa u...

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...