Wasiir Arrimaha gudaha XFS oo soo dhaweeyay muwaadiniin dib loogu soo celiyay dalka.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh, ayaa kulan soo-dhoweyn, xog-wareysi, iyo dardaaran ah la qaatay 148 muwaadin oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u fududeysay in dalkooda dib ugu soo noqdaan.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Axmed Xuseen Cilmi, ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Cali-Xoosh siiyey warbixin ku saabsan howsha soo-gurya noqoshada muwaadiniintaasi.

Muwaadiniinta ayaa laga keenay dalka Yemen, waxaana ka koobnaa in ka badan 80 qoys, iyadoo diiwaangelin iyo soo-dhoweyn u samaysay Hayโ€™adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale