Wasiir Arrimaha gudaha XFS oo soo dhaweeyay muwaadiniin dib loogu soo celiyay dalka.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh, ayaa kulan soo-dhoweyn, xog-wareysi, iyo dardaaran ah la qaatay 148 muwaadin oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u fududeysay in dalkooda dib ugu soo noqdaan.

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Axmed Xuseen Cilmi, ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Cali-Xoosh siiyey warbixin ku saabsan howsha soo-gurya noqoshada muwaadiniintaasi.

Muwaadiniinta ayaa laga keenay dalka Yemen, waxaana ka koobnaa in ka badan 80 qoys, iyadoo diiwaangelin iyo soo-dhoweyn u samaysay Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay...

Diinsoor oo ku soo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa u...

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...