Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee XFS oo daah-furay Xuska Maalinta Xuquuqul Insaanka Adduunka.  

Date:

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga daah-furay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, oo sanad kasta la xuso 10-ka Diseembar.

Munaasabaddan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Haweenka, Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, ayaa sanadkan lagu soo bandhigay guulaha la taaban karo ee laga gaaray horumarinta xuquuqda aadanaha Soomaaliya. Waxaa ka mid ah:

– Dib u soo celinta waajibaadka Xuquuqul Insaanka oo dalka ka maqnaa ku dhawaad 30 sano.

– Meel marinta sharciyo muhiim u ah difaaca xuquuqda aadanaha.

– Dhismaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Xuska ayaa sidoo kale xasuusin u ah 77 guuradii kasoo wareegtay markii la ansixiyay Qaraarkii Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay sanadkii 1948. Soomaaliya waxa ay ka mid tahay 193 waddan oo maanta si rasmi ah u xusaya maalintan muhiimka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay...

Diinsoor oo ku soo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa u...

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...