Madaxweynaha JFS oo saxiixay dhismaha Guddiga Xuquuqul Insaanka .

Date:

Muqdisho, Diseember 10, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay sharciga dhismaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, kaddib markii labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen xubnaha Guddigan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha Guddigan uu ka tarjumayo sida Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda iyo karaamada muwaadiniinta, isagoo bogaadiyey wada-shaqeynta Baarlamaanka iyo Xukuumadda taas oo aasaas u ahayd soo dhisidda iyo hubinta waafaqsanaanta sharciyadda iyo diinta ee xeerka Xuquul Insaanka iyo dhismaha Guddigan.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka dadaalka ay ku hoggaamisay diyaarinta hannaanka sharci iyo farsamo ee suurta geliyay in la helo Guddigan oo u diyaarsan gudashada waajibaadkiisa qaran.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Alle uga baryey in uu shaqadooda u fududeeyo xubnaha Guddigan ayaa xusuusiyay waajibaadka laga sugayo ee ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo xoojinta nidaam dowladnimo ku dhisan caddaalad, isla xisaabtan iyo hufnaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay...

Diinsoor oo ku soo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa u...

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...