Golaha Shacabka oo Marsiiyey Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Date:

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kulankii 20-aad ee kalfadhiga 7-aad, waxaana shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo uu wehelinayey Guddoomiye ku-xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, kaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Amniga Gudaha. Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa mudanayaasha uga faallooday qodobada muhiimka ah ee ku jira hindisaha.

Sida uu dhigayo Xeer-hoosaadka Golaha, Hindise Sharciyeedku ma furmin dood rasmi ah, balse qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa su’aalo weydiiyey Wasiirka Amniga, iyaga oo diiradda saaray mabaadi’da guud ee hindisaha.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa faray Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga in ay la wareegaan Hindise Sharciyeedka, islamarkaana ay diyaariyaan akhrintiisa labaad si dood rasmi ah loogu furo Golaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay...

Diinsoor oo ku soo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa u...

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...