๐‘/๐– ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ก๐š๐ฆ๐›๐š๐ฅ๐ฒ๐จ ๐ค๐ฎ ๐š๐š๐๐๐š๐ง ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐๐š ๐€๐š๐๐š๐ง๐š๐ก๐š ๐ฎ ๐๐ข๐ซ๐š๐ฒ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐.

Date:

Muqdisho, 10 December 2025:- Iyada oo maanta dunida oo dhan laga xusayo maalinta Xuquuqda Aadanaha ayuu Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre waxaa uu hambalyo iyo boggaadin u direy guud ahaan bulshada Soomaaliyeed maadaamaa horumar ballaaran laga sameeyay u saldhigista arrimaha xuquuqda aadanaha.

โ€œSoomaaliya waxaa ka goโ€™an Geeddi-Socodka Xuquuqul Insaanka, waana jaangooyada siyaasadeed oo looga gudbayo xasaradaha looguna tallaabayo dhismaha dal sharci iyo kala dambeyn lehโ€ ayuu yiri Mudane Xamsa.

Soomaaliya kaliya ma ahan mid ka mid ah saxiixayaasha heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha , ee waxa heshiisyadan ka dhigaysaa xeerar maxali ah oo la falgala nolol maalmeedka dadka heer degmo illaa heer federal, si hubanti looga dhigo illaalinta xaqa asaasiga ah ee muwaadhinka.

Xuska maalintan caalamiga ah ayaa sanadkan kusoo aadaysa iyada oo xukuumadda Dan Qaran ay dhistay guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha, Ansixyay Baarlamaanka Federaalka ah, maantana kama dambeys uu saxiixay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Raโ€™iisul Wasaare Xamse ayaa ugu dambeyntii xusey in ka sokoow guddiga, dowladda ay xoojisay Xafiiska Xeer Illaaliyaha Guud, Taliska Ciidanka Soomaaliyeed iyo Hayโ€™adaha Garsoorka si ay awood ugu yeeshaan in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan fal kasta oo xad gudub ku ah xuquuqul insaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay 12 dhagar-qabe.

WAR SAXAAFADEED. Muqdisho, December 10, 2025: Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo...

Madaxweynaha JFS oo saxiixay dhismaha Guddiga Xuquuqul Insaankaย .

Muqdisho, Diseember 10, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Golaha Shacabka oo Marsiiyey Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo sii wada fadhiyada bahda dublumaasiyiinta shisheeye.

Muqdisho, Arboco, 10 Diseembar 2025 โ€“ Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda...