๐‘/๐– ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ก๐š๐ฆ๐›๐š๐ฅ๐ฒ๐จ ๐ค๐ฎ ๐š๐š๐๐๐š๐ง ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐๐š ๐€๐š๐๐š๐ง๐š๐ก๐š ๐ฎ ๐๐ข๐ซ๐š๐ฒ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐.

Date:

Muqdisho, 10 December 2025:- Iyada oo maanta dunida oo dhan laga xusayo maalinta Xuquuqda Aadanaha ayuu Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre waxaa uu hambalyo iyo boggaadin u direy guud ahaan bulshada Soomaaliyeed maadaamaa horumar ballaaran laga sameeyay u saldhigista arrimaha xuquuqda aadanaha.

โ€œSoomaaliya waxaa ka goโ€™an Geeddi-Socodka Xuquuqul Insaanka, waana jaangooyada siyaasadeed oo looga gudbayo xasaradaha looguna tallaabayo dhismaha dal sharci iyo kala dambeyn lehโ€ ayuu yiri Mudane Xamsa.

Soomaaliya kaliya ma ahan mid ka mid ah saxiixayaasha heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha , ee waxa heshiisyadan ka dhigaysaa xeerar maxali ah oo la falgala nolol maalmeedka dadka heer degmo illaa heer federal, si hubanti looga dhigo illaalinta xaqa asaasiga ah ee muwaadhinka.

Xuska maalintan caalamiga ah ayaa sanadkan kusoo aadaysa iyada oo xukuumadda Dan Qaran ay dhistay guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha, Ansixyay Baarlamaanka Federaalka ah, maantana kama dambeys uu saxiixay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Raโ€™iisul Wasaare Xamse ayaa ugu dambeyntii xusey in ka sokoow guddiga, dowladda ay xoojisay Xafiiska Xeer Illaaliyaha Guud, Taliska Ciidanka Soomaaliyeed iyo Hayโ€™adaha Garsoorka si ay awood ugu yeeshaan in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan fal kasta oo xad gudub ku ah xuquuqul insaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka heyโ€™adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay...

Diinsoor oo ku soo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa u...

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...