Waxaa hubaal ah in su’aasha ah “Wax dhaama dawladnimada ma jiraa?” jawaabteedu tahay mid caddaan ah: Ma jirto wax ka qiimo badan nidaam dawladeed oo shaqeynaya. Dawladnimadu waa saldhigga iyo tiirka koowaad ee ay ku istaagto horumarka bulsho kasta.
Maalinta Caalamiga ah ee Duulista Hawada (International Civil Aviation Day) ee la xusay maanta, waxaa ka qeyb galay Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada, iyo mas’uuliyiin kale oo badan. Munaasabaddan ayaa ahayd tusaale cad oo muujinaya in marka hay’adaha dowladda ay si wadajir ah u shaqeeyaan ay gaari karaan guulo la taaban karo, isla markaana ay bulshada u soo bandhigi karaan adeegyo muhiim u ah dalka iyo dadka.
Qodobada Muhiimka ah ee Hannaanka Dawladnimo:
Nabadgelyo iyo Kala Dambeyn: Ujeedada ugu horreysa ee dawladnimadu waa in ay sugto amniga guud, taas oo u oggolaanaysa muwaadiniinta in ay si nabad ah u noolaadaan, una gutaan waajibaadkooda nololeed.
Saldhigga Horumarka Dhaqaale: Bulsho kasta oo hormartay, waxay ku hormartay adkeynta dawlad-dhiska. Nidaamka dawliga ah ee hanaqaada ayaa abuura jawi ganacsi, maalgashi, iyo shaqo abuur, iyadoo la raacayo sharciyo cadcad.
Bixinta Adeegyada Aasaasiga ah: Dawladdu waxay mas’uul ka tahay in ay bulshada gaarsiiso adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha nadiifta ah, iyo kaabayaasha dhaqaalaha (waddooyinka, dekadaha, garoomada diyaaradaha, iwm.).
Matalaad Caalami ah:
Dawladnimadu waxay dalka siisaa cod iyo meel uu ku yeesho masraxyada caalamka, taasoo u sahlaysa in uu ilaashado madaxbannaanidiisa, sharcigiisana uu ku difaacdo danihiisa diblomaasiyadeed.
Guusha ay Wasaaradda Gaadiidka iyo Hey’adda Duulista Hawadu gaareen Maalinta Caalamiga ah ee Duulista Hawada, waa tusaale nool oo dhiirrigelinaya in dadkeennu ay u ooman yihiin nidaam dawladeed oo dhammaystiran oo shaqeeya.
Rajo wanaagsan ayaan ka qabnaa in Alle inoo suuragaliyo in aan si wadajir ah u adkeysanno oo aan u hagaajinno hannanka dawladnimo, si aan u gaarno mustaqbal ifaya oo horumar leh.
Qore: Mohamed Abdi Osman “Faradheere”,
Agasimaha Waaxda Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
