Soomaaliya oo u Diyaargarowday Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka

Date:

Soomaaliya waxa ay si weyn ugu diyaargarowday xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, oo sanad kasta lagu xuso 10-ka December. Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sanadkan martigelinaysa munaasabaddan muhiimka ah, iyadoo Soomaaliya soo bandhigi doonta guulaha ay Wasaaraddu ka gaartay horumarinta xuquuqda aadanaha inta lagu guda jiray sanadkan dhammaanaya ee 2025.

Sanadkan, Soomaaliya waxa ay waqti, xoog iyo maskaxba gelisay sidii loo xoojin lahaa ilaalinta iyo horumarinta Xuquuqul Insaanka. Dadaalladan joogtada ah ayaa horseeday in guulo la taaban karo laga sameeyo kobcinta xuquuqda aadanaha ee dalka.

Munaasabadda berri ee 10-ka December ayaa lagu wadaa inay ka duwanaato kuwii hore, iyadoo la filayo in ay noqoto mid heer sare ah, haddii Eebbe idmo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay...

Diinsoor oo ku soo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa u...

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...