Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Faahfaahiyay Horumarka Geeddi-socodka Doorashada Degmooyinka Banaadir

Date:

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee Guddiga, isaga oo faahfaahin ka bixiyay xaaladda guud ee howlaha doorashooyinka iyo horumarka laga gaaray wajiyada muhiimka ah ee geeddi-socodka doorashada.

Guddoomiyaha oo hadalka ku billaabay warbixin ku saabsan hawlaha farsamo iyo kuwa habraac ee doorashada, ayaa hoosta ka xariiqay in Guddigu si buuxda u gudanayo waajibaadka uu u xil-saaray Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Shuruucda Doorashooyinka Qaranka, waxaana uu xusay in hawlaha diyaar-garowga ee doorashada degmooyinka Banaadir ay si hufan u socdaan, isla markaana Guddigu ku shaqeynayo jadwalkii doorashada ee uu hore u iclaamiyay.

Mudane Cabdikariim Axmed Xasan waxaa uu sidoo kale shaaciyay in 12 urur siyaasadeed ay si dhameystiran u soo gudbiyeen liiskooda , halka qaar kale ay soo gudbiyeen qeyb kamid ah liiska musharaxiintooda u tartamaya doorashada goleyaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Ururada Siyaasadda ee soo gudbiyay liiska ayaa kala ah:

1. Ramaas

2. Karaama

3. Towfiiq

4. Saab

5. Madalsan

6. Cadaaladda & Wadajirka

7. Horumar & Midnimo Qaran

8. Muwaadiniinta Soomaaliyeed

9. Midnimada Shacabka

10. Qaranka Dimuquraadiga ah

11. Qiimo Qaran

12. Dowlad Wanaaga Soomaaliyeed

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in soo gudbinta liiska musharaxiinta ay muujinayso diyaar-garow heer sare ah oo ka jira dhanka Ururada siyaasadda, isaga oo ku boorriyey ururada aan weli soo gudbin liiskooda inay ka faa’iidaystaan fursadaha sharcigu u oggol yahay ee ku saabsan gudbinta liisaska iyo dhammeystirka shuruudaha tartanka.

Ugu dambayn, Guddoomiye Cabdikariim Axmed Xasan ayaa ugu baaqay dhammaan daneeyeyaasha doorashooyinka Ururada siyaasadda, bulshada rayidka ah, dhallinyarada, haweenka iyo maamulka degmooyinka in si wadajir ah loola shaqeeyo Guddiga si loo xaqiijiyo doorasho xor ah, hufan, nabdoon oo waafaqsan sharciga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday

Waxaa hubaal ah in su’aasha ah “Wax dhaama dawladnimada...

Guddiga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Qatar oo Kalfadhigoodii Koowaad ku yeeshay Doha

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Taliyaha Boliiska oo xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada oo kormeer ku tagay goobaha laga qaadanayo kaarka codbixinta

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...