Wasiirka Amniga Gudaha oo Hey’adda UNDP kala wareegay gaadiid loogu talagalay hay’adaha amniga

Date:

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta kala wareegay Hey’adda UNDP gaadiid loogu talagalay hay’adaha amniga dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Wasiirka ayaa sheegay in gaadiidkan ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonaan xoojinta iyo tayeynta hay’adaha amniga dalka, isla markaana loogu adeegayo shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu uga mahadceliyey Hey’adda UNDP taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka horumarinta amniga.

Gaadiidkan oo tiradoodu gaareyso lix gaari, ayaa qeyb ka ah qorshaha horumarinta hay’adaha amniga dalka, iyadoo loo marayo mashruuca JPP Phase-2, oo ay maalgeliso Midowga Yurub (EU), ayna fuliyaan UNDP iyo hay’adaha amniga dalka. Barnaamijkan ayaa diiradda saaraya tayeynta adeegyada Booliska, tababarrada iyo xirfadaha amni, casriyeynta qalabka iyo gaadiidka, iyo hirgelinta adeeg boolis oo bulshada u dhow.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay...

Diinsoor oo ku soo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa u...

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...