Wasiirka Amniga Gudaha oo Heyโ€™adda UNDP kala wareegay gaadiid loogu talagalay hayโ€™adaha amniga

Date:

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta kala wareegay Heyโ€™adda UNDP gaadiid loogu talagalay hayโ€™adaha amniga dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Wasiirka ayaa sheegay in gaadiidkan ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonaan xoojinta iyo tayeynta hayโ€™adaha amniga dalka, isla markaana loogu adeegayo shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu uga mahadceliyey Heyโ€™adda UNDP taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka horumarinta amniga.

Gaadiidkan oo tiradoodu gaareyso lix gaari, ayaa qeyb ka ah qorshaha horumarinta hayโ€™adaha amniga dalka, iyadoo loo marayo mashruuca JPP Phase-2, oo ay maalgeliso Midowga Yurub (EU), ayna fuliyaan UNDP iyo hayโ€™adaha amniga dalka. Barnaamijkan ayaa diiradda saaraya tayeynta adeegyada Booliska, tababarrada iyo xirfadaha amni, casriyeynta qalabka iyo gaadiidka, iyo hirgelinta adeeg boolis oo bulshada u dhow.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale