Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay degmooyinka ay ka socoto qaadashada kaarka codbixinta, iyagoo bulshada ku wacyigelinayey muhiimadda ay leedahay in la qaato kaarka si loogu diyaar garoobo doorashooyinka qof iyo cod ah.
Wasiirrada Warfaafinta, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Beeraha iyo Batroolka, ayaa booqday degmooyinka Kaaraan, Deyniile, Warta Nabadda iyo goobo kale. Waxay shacabka ugu baaqeen in ay ka faa’iideystaan fursadda oo ay qaataan kaarka codbixinta.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Saalim Caliyow Ibrow, ayaa sheegay inay Deyniile u tageen kormeerka qaadashada kaarka codbixinta ee doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.
Wasiirka warfaafinta Daa’uud Aweys ayaa yiri “Doorashooyinkaan waa xor, qof kastana wuxuu xaq u leeyahay inuu u codeeyo xisbiga uu doonayo, dadka reer Kaaraan taariikhda qormeysa ee Soomaaliya ay ku taameyso ayey kaalin weyn ku leeyihiin.”
Wasiirka Wasaaradda Batroolka ee XFS, Daahir Shire Maxamed, “Reer Kaaraanow, kaararkiinna qaata oo soo doorta masuulka degmadiinna ee birito 25-ka December, ayaana noo ballan ah, waxaana rajeynayaa in degmadaan ay hormuud u noqoto gobolka Banaadir.”
Sidoo kale, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Maxamed Cabid Xayir Mareeye, oo booqday degmada Deyniile, ayaa tilmaamay inuu ku faraxsan yahay sida wanaagsan ee u socota diyaar-garowga doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha degmada Kaaraan Maxamed Cabdullaahi Socdaal,ayaa sheegay in bulshada degmada Kaaraan ay diyaar u yihiin in codkooda ay ku ceel baxaan kana qeyb qaataan doorashada golaha degaanka.
“Bulshada degmada Kaaraan waxay diyaar u yihiin inay codkooda ku ciil baxaan oo ay soo doortaan golaha deegaanka iyo guddoomiyahooda mustaqabalka ee degmada”ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Cabdullaahi Socdaal.
Wakiilka dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee degmada Kaaraan Dubad Barre “Kaarka codeynta waxaa qaadatay 22 kun oo dadka baahiyaha gaarka ah qaba kamid ah, waxayna dooran doonaan qofka ay ka dhex arkaan inuu masuuliyadooda qaadi karo.”

