Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo la kulmay hoggaanka Bulshada Rayidka

Date:

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay hoggaanka bulshada rayidka ah, kuwaas oo ay ka wada hadleen doorka muhiimka ah ee bulshada rayidka ah ku leeyihiin dhismaha dowladnimada, xoojinta nabadda iyo kobcinta maamul-wanaagga.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa tilmaamay sida ay dowladda uga go’an tahay in ay dhagayso talooyinka bulshada, lana dhiirrigeliyo ka qeyb-qaadashadooda geeddi-socodka siyaasadda, maamul-wanaagga iyo horumarinta dalka.

Mudane Saalax, ayaa uga mahadceliyay hoggaanka bulshada rayidka ah doorkooda muhiimka ah, isaga ku boorriyay in ay sii xoojiyaan kaalintooda wacyigelinta arrimaha muhiimka u ah bulshada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...