Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya, Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al Nucaymi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xariirka iyo Iskaashiga walaalnimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Kulanka ayaa diiradda looga hadlay dadaallada lagu wajahayo xaaladda abaaraha saameeyey 4.4 Milyan oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah iyo sidii loosie ambo-qaadi lahaa mashaariicda horumarineed ee Qatar ka taageerto Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar kaalinta muuqata ee ay ku leedahay dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo si gaar ah arrimaha bani aadanimada oo ay ku jirto gurmadka abaaraha soo laab laabtay ee dadkeena saameeyey , isaga oo xusay in Qatar ay weligeed u ahayd Soomaaliya saaxiib dhow oo ka jawaaba xaaladaha adag.

Danjiraha dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al Nucaymi ayaa xusay in dowladda Qatar ay sii wadeyso taageerada iyo garab istaagga Shacabka Soomaaliyeed iyada oo ka qeyb qaadaneysa ka jawaabidda xaaladaha bani aadanimo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii wadaysaa wada shaqeynta ballaaran ee ay la leedahay dalalka saaxiibka ah iyo hay’adaha caalamiga ah si loo hubiyo in gurmadka iyo taageerada joogtada ah ay gaaraan bulshada ay abaartu saameysay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo Ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud...

Kulan casho sharaf ah oo loo sameeyay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka caalamiga ah ee Iscafinta iyo Nabadda

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...