Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya, Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al Nucaymi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xariirka iyo Iskaashiga walaalnimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Kulanka ayaa diiradda looga hadlay dadaallada lagu wajahayo xaaladda abaaraha saameeyey 4.4 Milyan oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah iyo sidii loosie ambo-qaadi lahaa mashaariicda horumarineed ee Qatar ka taageerto Soomaaliya.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar kaalinta muuqata ee ay ku leedahay dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo si gaar ah arrimaha bani aadanimada oo ay ku jirto gurmadka abaaraha soo laab laabtay ee dadkeena saameeyey , isaga oo xusay in Qatar ay weligeed u ahayd Soomaaliya saaxiib dhow oo ka jawaaba xaaladaha adag.

Danjiraha dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al Nucaymi ayaa xusay in dowladda Qatar ay sii wadeyso taageerada iyo garab istaagga Shacabka Soomaaliyeed iyada oo ka qeyb qaadaneysa ka jawaabidda xaaladaha bani aadanimo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii wadaysaa wada shaqeynta ballaaran ee ay la leedahay dalalka saaxiibka ah iyo hayโ€™adaha caalamiga ah si loo hubiyo in gurmadka iyo taageerada joogtada ah ay gaaraan bulshada ay abaartu saameysay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...