Guddoomiyaha SODMA oo kulan la qaadatay hayโ€™adaha gargaarka iyo Ururrada samafalka gudaha Dalka.

Date:

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay hayโ€™adaha gargaarka iyo ururrada samafalka ee ka hawlgala gudaha dalka (HCT). Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda abaarta oo guud ahaan si baโ€™an u saameysay dhammaan gobollada Soomaaliya, iyo sida loogu baahan yahay bixinta jawaab mideysan oo deg deg ah.

Guddoomiyaha ayaa xusay in Madaxweynaha dalka Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raโ€™iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre muujiyeen walaac xooggan oo abaarta ku aaddan, islamarkaana ay fareen hayโ€™adaha dowladda inay si buuxda ula shaqeeyaan SoDMA oo ah hayโ€™adda rasmiga ah ee isku-dubbaridka arrimaha gargaarka iyo ka jawaabista musiibooyinka u qaabilsan dalka.

Guddoomiyuhu wuxuu ku boorriyay dhammaan la-hawlgalayaasha inay la jaanqaadaan habraacyada iyo nidaamka cusub ee SoDMA hoggaaminayso, si loo helo hannaan mideysan oo wax ku ool ah. Sidoo kale wuxuu caddeeyay in hoos u dhaca ku yimid maalgelinta deeq-bixiyeyaasha ay si weyn u curyaamisay dadaallada wax-ka-qabashada abaarta.

Ugu dambayn, Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa sheegay in loo baahan yahay, qorsheyn degdeg ah oo loo dhan yahay, dhaqaale la saadaalin karo gudaha iyo dibadda iyo dib-u-habeynta barnaamijyada taageerada lagu gaarsiinayo degmooyinka ugu nugul dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale