Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan kula yeeshay Zoomka deeq-bixiyaasha caalamka.

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah dhanka aaladda Zoomka kula yeeshay deeq-bixiyayaal ka socday dalalka Midowga Yurub, Mareykanka iyo Qaramada Midoobay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda abaarta dalka oo haatan maraysa heer khatar ah, iyadoo saameyn ballaaran ku yeelatay gobollada kala duwan ee Soomaaliya. Guddoomiyaha ayaa deeq-bixiyayaasha si faahfaahsan ugu warbixiyay sida abaartu u kala culus tahay gobollada dalka, isagoo xusay in gobollo badan ay ku jiraan xaalad degdeg ah oo u baahan gargaar bini’aadannimo oo degdeg ah.

Deeq-bixiyayaasha ayaa dhankooda muujiyay walaac iyo dareen ku aaddan halista abaarta, iyagoo ballan qaaday inay sii xoojin doonaan taageerada iyo iskaashiga ay la leeyihiin Soomaaliya si wax looga qabto xaaladda adag ee ka taagan dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...

War-Saxaafadeed Wadajir ah Shiinaha iyo Soomaaliya

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...