Golaha Shacabka oo ansixiyay Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.

Date:

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha ku ansixiyay Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka Bariga Afrika (East Africa Standby Force – EASF).

Kulanka maanta oo ahaa kalfadhiga 7-aad, kulankiisii 17-aad, waxaa shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Heshiiska waxaa oggolaaday 144 xildhibaan, halka 1 xildhibaan uu diiday, 2 kalena ay ka aamuseen.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xildhibaan Cumar Cali Cabdi oo khudbad ka jeediyay fadhiga, ayaa uga mahadceliyay xildhibaannada ansixinta heshiiska, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo muujinaysa go’aanka iyo himilada Dowladda Federaalka ee ku aaddan xoojinta amniga, nabadda, iyo iskaashiga gobolka.

Sidoo kale, Wasiiru Dowluhu wuxuu xusay in ansixinta heshiiska ay ku soo beegantay xilli Soomaaliya markii ugu horreysay martigelisay Shirka 34-aad ee Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka EASF, taas oo muujinaysa kaalinta hoggaamineed ee Soomaaliya ku leedahay nabadda iyo amniga gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...