Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daud Aweys Jama ayaa maanta kulan miro-dhal ah kula qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Francesca Di Mauro xarunta safaaradda, waxaana ay kaga wada hadleen xoojinta iskaashiga Warbaahinta , Wacyihalinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub kaalinta muuqata ee uu ku leeyahay so kabashada iyo horumarinta Soomaaliya, gaar ahaan barnaamijyada lagu taageerayo warbaahinta, Dhaqanka iyo hal-abuurka Dhalinyarada, ka hortaga tahriibka iyo la dagaalanka been abuurka iyo xagjirnimada

Labada dhinac ayaa si gaar ah diiradda u saaray horumarinta iskaashiga dhinaca wacyigelinta bulshada ee la xiriira amniga, doorashooyinka, xasilinta, iyo la dagaalanka xagjirnimada, iyadoo la isla gartay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta warbaahinta si loo gaaro wacyi bulsho oo mideysan.

Danjire Francesca Di Mauro Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa dhinaceeda hoosta ka xariiqday ahmiyadda ay leedahay xoojinta iskaashiga labada dhinac ee Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska maadaama Midowga Yurub uu yahay mid ka mid ah saaxiibadsa ugu xooggam ee taageera dib u dhiska iyo soo kabashada Soomaaliya.

Wasiir Daa’uud ayaa muujiyay ka go’naanta Wasaaradda ee ku aaddan ballaarinta iskaashiga Midowga Yurub, gaar ahaan barnaamijyada lagu kobcinayo xirfadaha suxufiyiinta, ilaalinta xorriyadda saxaafadda, iyo kor u qaadidda dhaqanka iyada oo loo marayo dhiiragalinta dhalinyarada, horumarinta dalxiiska Soomaaliya oo ay door fiican ka qaadan karaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari...

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre...