Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa ka qeyb-galay shir heer caalami ah oo laba maalmood ka socday magaalada Nairobi. Shirkaas waxaa soo qabanqaabiyay Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, iyadoo diiradda la saaray horumarinta dhaqaalaha dalka iyo xoojinta iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hayโadaha caalamiga ah.
Shirkan muhiimka ah waxaa goobjoog ka ahaa hayโado iyo dowlado taageera Soomaaliya, sida Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), Midowga Yurub (EU), iyo safaarado dhowr ah oo la shaqeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Intii uu shirka socday, waxaa diiradda lagu saaray dardargelinta kobaca dhaqaalaha dalka iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta dowladda iyo hayโadaha maaliyadeed ee caalamka, si loo gaaro horumar waara oo taageera adeegyada bulshada iyo dib-u-dhiska dalka.
Wasiirka Maaliyadda iyo guddoomiyeyaasha Bangiga Horumarinta iyo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa caddeeyay in dalka uu ka gudbay caqabado badan oo la xiriira dib-u-habeynta dhaqaalaha, ayna hadda mareyso marxalad laga faaโiideysan karo dadaalladii hore. Wasiirku wuxuu sidoo kale xusay in Guddiga Sare ee Bangiga Horumarinta, oo dhowaan la dhisay, lagu soo xulay si hufan, caddaalad ah, kuna saleysan xirfad iyo karti.
Ugu dambeyn, Wasiirka Maaliyadda ayaa u mahadceliyay hayโadaha caalamiga ah taageerada ay siiyaan Soomaaliya, isagoo sheegay in doorkooda uu muhiim u yahay xasilloonida iyo horumarka dalka.
