Hayโadda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku faraxsan tahay goโaanka rasmiga ah ee Dowladda Federaalka Jarmalka ay ku aqoonsatay Baasaboorka Diblomaasiga ee Soomaaliya, kaas oo lagu daabacay Wargeyska Rasmiga ah ee Dowladda Jarmalka (Bundesanzeiger) 1-da December 2025.
Goโaankan cusub ayaa dhigaya in Baasaboorka Diblomaasiga ee Soomaaliya si rasmi ah loo aqoonsaday gelitaankiisa iyo deganaanshaha ee Jarmalka, kaas oo beddelaya xeerarkii hore ee kaga jiray Jarmalka oo keliya aqoonsiga marka laga baxayo dalka (departure).
Tallabadan ayaa caddeyn u ah horumarka joogtada ah ee dowladda Soomaaliya ee lagu horumarinayo tayada dukumentiyada safarka, casriyeynta adeegyada, iyo howlaha socdaalka ee ku wajahan adeegyada ee labada dal.
Hayโadda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha waxa ay Dowladda Federaalka Jarmalka ku bogaadinaysaa goโaanka ay qaadatay, waxayna ka rajaynaysaa in uu sii xoojin doono aqoonsiga baasaboorka iyo nidaamyada aqoonsiga ee dalalka.
