Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS qeybgalay shir heer Wasiirro ah oo dalalka IGAD.

Date:

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa ka qeybgalay shir heer wasiir ah oo dalalka IGAD uga arrinsanayeen Hirgelinta Baaqa Nairobi ee Arrimaha Qaxootiga.

Mudane wasiir Cali Xoosh oo madasha ka hadlay ayaa ku dheeraaday xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Qaxootiga, Dadka soo guryo noqday, Barakacayaasha iyo dhibaatooyinka Banii’aadnimada, isbadalka cimillada iyo abaaraha ay keenaan.

“Inkasta oo ay jiraan caqabado, haddana Soomaaliya waxaa si buuxda uga go’an hirgelinta mabaadi’da iyo himilooyinka Baaqa Nairobi. Sanadihii la soo dhaafey, waxaan si joogto ah uga shaqeynay in ballanqaadyadaas loo beddelo xalal wax ku ool ah oo kor u qaada nolosha qaxootiga, barakacayaasha, dadka soo laabanaya iyo bulshadda gudaha dalka” ayuu yiri wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaiya mudane Cali Xoosh.

Mudane Wasiir Cali Xoosh waxaa uu ka hadlay oo kale shuruucda ay Soomaaliya sameysay oo howshan xalkeeda qeyb ka ah sida; ansixinta Sharciga Qaxootiga iyo Magangalyo-doonka bishii Sebtembar 2023 iyo Sharciga Barakacayaasha Gudaha (IDP Bill) oo isna la meel mariyay bishan, taas oo nidaamkeenna qaran u dhoweysay heerarka caalamiga ah iyo kuwa gobolka.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Cali Yuusuf Xoosh waxuu dalalka IGAD usoo jeediyey in laga wada shaqeeyo amniga gobolka, la iskana kaashado kor u qaadista adeegyada kaabayaasha ee hormarka keenaya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukun toogasho ah ku fulisay dhagarqayaal Khawaarij ah

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka...

Tababar ku saabsan qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Muqdisho lagu qabtay

Tababar ku saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran (Green Climate...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida Dr Cumar Aaden Cadde

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...