Guddoomiye Abshirow oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada ah.

Date:

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Ugu horreyn xubnaha guddiga joogtada ayaa guddi walba waxa uu ka warbixiyey shuruucda hortaala kuwooda horutebinta leh, habraacyada u dhiman iyo sidoo kale xiliga uu horgeynayo kulanka guud ee golaha golaha.

Sidoo kale kulanka guddiga joogtada ee Golaha Shacabka ayaa looga dooday la xisaabtanka iyo Korjoogeynta laanta fulinta iyo sidii guddi walba uu ula xisaabtami lahaa qeybaha uu korjoogteynta ku leeyahay.

Ugu dambeyn xubnaha guddiga ayaa jadwaleyn ku sameeyey Ajendayaasha kulamada guud ee Golaha Shacabka todobaadka soo socda, waxaana guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray uu xubnaha guddiga joogtada kula dardaarmay dardargelinta shuruucda golaha hortaala kalfadhiga todobaad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

Baydhabo, Soomaaliya – 1-da Abriil, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...