Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dalka dib ugu soo laabtay.

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay, waxaana Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Magaaladda Muqdisho kusoo dhoweeyay Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa magaaladda Kampala ee caasimadda dalka Uganda uga soo qeyb galay shirka guddoomiyaasha baarlamaanada Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, waxaana inta shirkaasi uu socday Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka loo doortay shir guddoonka guddoomiyaasha baarlamaanada Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee sanadka 2025-2026.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo safar kusoo maray dalka Kenya ayaa Magaaladda Nairobi ee caasimadda dalkaasi kulan mira dhal ah kula qaatay dhigiisa dalkaasi Mudane Moses Wetang’ula oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada wadan gaar ahaan wada shaqeynta baarlamaanada labada dal, dhisida guddiga saaxiibtinimada baarlamaanada Soomaaliya iyo Kenya iyo sidoo kale qibrad isdhaafsiga Xildhibaanada labada baarlamaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

CXD oo howlgal ka fuliyay Buula Madiina oo hoostagta degmada Afgooye ee gobolka Sh.hoose.

Ciidamada Gaarka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD) ayaa...

Eighth CIIE sees 80% more African exhibitors from a year ago.

The 8th China International Import Expo (CIIE) marks the...

Golaha Aqalka Sare oo Ansixiyay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka.

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Muqdisho ka furay Shirka Garsoorayaasha Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed,...