Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dalka dib ugu soo laabtay.

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay, waxaana Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Magaaladda Muqdisho kusoo dhoweeyay Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa magaaladda Kampala ee caasimadda dalka Uganda uga soo qeyb galay shirka guddoomiyaasha baarlamaanada Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, waxaana inta shirkaasi uu socday Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka loo doortay shir guddoonka guddoomiyaasha baarlamaanada Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee sanadka 2025-2026.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo safar kusoo maray dalka Kenya ayaa Magaaladda Nairobi ee caasimadda dalkaasi kulan mira dhal ah kula qaatay dhigiisa dalkaasi Mudane Moses Wetang’ula oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada wadan gaar ahaan wada shaqeynta baarlamaanada labada dal, dhisida guddiga saaxiibtinimada baarlamaanada Soomaaliya iyo Kenya iyo sidoo kale qibrad isdhaafsiga Xildhibaanada labada baarlamaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...