Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran

Date:

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran, oo looga hadlayay sidii loo xoojin lahaa nidaamka qorsheynta, si loo dardargeliyo hannaanka howl-fulinta iyo horumarinta hey’adaha dowliga ah, loona helo nidaam qorsheyn iyo kormeer mideysan.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa sheegay in ujeeddada shirka ay tahay adkeynta awoodda hey’adaha dowladda, dhisidda nidaamyo shaqo oo xooggan, iyo kor u qaadista siyaasadaha horumarinta qaranka. Wuxuu xusay in iyada oo la soo gabagabeeyey Qorshaha Isbeddelka Qaranka, ay haddana lama huraan tahay in la hirgeliyo kormeer qaran oo hufan, si loo hubiyo natiijooyin muuqda oo la taaban karo.

Shirka oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo horumarinta Dhaqaalaha, ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socday hey’adaha dowladda iyo wakiillo ka socday Beesha Caalamka, kuwaas oo bogaadiyey guulaha siyaasadeed iyo horumarineed ee ay dowladda Soomaaliya gaartay, iyaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay taageerada iyo garab istaagga hey’adaha dawliga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...