Hay’adda SoDMA oo daahfurtay geedi-socodka Ka-hortagga Masiibooyinka. 

Date:

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo u maraysa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), ayaa si rasmi ah u daahfurtay Geedi-socodka habka kasii ka feejignaanta musiibooyinka (Anticipatory Action Roadmap), kaddib kulan saddex maalmood socday oo lagu ansixinayey geedi-socodkan, kaasoo ka dhacay Hotel Peace ee magaalada Muqdisho.

Daahfurkani wuxuu calaamad u yahay tallaabo ballaaran oo lagu xoojinayo awoodda Soomaaliya ee saadaalinta iyo ka-hortagga dhibaatooyinka la xiriira isbeddelka cimilada.

Labadii maalmood ee hore ee kulanka, ka-qaybgalayaashu waxay si wadajir ah uga shaqeeyeen hagaajinta, dhammaystirka, iyo ansixinta lixda tiir ee saldhigga u ah geedi-socodka ka-hortagga. Si loo hubiyo xaaladda khatarta ee Soomaaliya, nidaamyada qaranka, iyo dadaalladii hore ee ficilka ka-hortagga, waxaa kulanka ka qayb qaatay wakiillo ka socday dowladda, hay’adaha Qaramada Midoobay, ururrada aan dowliga ahayn (NGOs), iyo bah-wadaagta farsamada.

Maalinta ugu dambeysa ee kulanka ayaa ahayd munaasabadda daahfurka rasmiga ah ee Geedi-socodka loo marayo ka-hortagga masiibooyinka dalka.

Agaasimaha Guud ee SoDMA, Khadar, ayaa muujiyey mahadnaq ballaaran oo ku aaddan ka-qaybgalka baaxadda leh iyo tayada wax-ku-oolka ah ee farsamada lagu bixiyey intii uu socday kulanka, isaga oo xusay in geedi-socodkan uu yahay natiijada wadatashi ballaaran iyo ansixin wadajir ah.

“Maanta waa maalin aan muddo sugaynay. Geedi-socodkaan wuxuu ka tarjumayaa sannado shaqo adag, wadatashi ballaaran, iyo dib-u-eegis farsamo oo qoto dheer. Dowladda waxay si dhow ula socotay geeddi-socodka, balse waa idinka bah-wadaagta guushan ay idinka timid,” ayuu yiri.

Wakiillo ka socday DRC, FAO, WFP, iyo IGAD ayaa jeediyey hadallo hambalyo ah, iyagoo muujiyey ruuxa iskaashi iyo ballanqaadkooda sii socda ee ku aaddan xoojinta ficilka ka-hortagga masiibooyinka ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Mahamud Moallim Abdule, ayaa si rasmi ah u soo xiray kulanka, isagoo u mahadceliyey dhammaan bah-wadaagta, khibradooda, iyo hoggaamintooda. Wuxuu sidoo kale u mahadceliyey shirkadda Galayr Consultancy taageeradooda farsamo ee diyaarinta khariidadda.

Daahfurkan ayaa Soomaaliya u horseedaya tallaabo muhiim ah oo lagu dhisayo nidaam rasmi ah oo ficil hore ah, loogana shaqeynayo mustaqbal adkaysi leh oo ay bulshooyinka Soomaaliyeed si wanaagsan uga badbaadaan masiibooyinka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...