Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Agaasimaha Wasaaradda Awqaafta oo dhagax dhigay Masaajid cusub.

Date:

Munaasabadda dhagax-dhigga masaajidka cusub ee laga dhisayo Taliska Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Dhulka Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara), Taliye ku-xigeenka Ciidanka Dhulka Jeneraal Cabdullaahi Aadan Xuseen (Ciro), iyo saraakiil kale.

Ugu horreyn, Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS, Jeneraal Khaalid, oo madasha ka hadlay, ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Awqaafta dadaalkooda iyo taageerada ay siiyeen dhismaha masaajidka cusub, isaga oo xusay muhiimada ay leedahay in Ciidanku yeeshaan goob cibaado iyo wacyigelin.

Dhinaciisa, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ayaa tilmaamay in dhismaha masaajidkan uu qeyb ka yahay qorshe ballaaran oo lagu gaarsiinayo adeegyada diinta talisyada iyo xarumaha kale ee dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...