Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeer shaqo ku tagay Safaaraddeenna dalka Aljeeriya .

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Aljeeriya, waxaana Masuuliyiinta la socday ka mid ahaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali.

Madaxweynaha ayaa xogwareystay diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala Safaaradda oo uu hoggaaminayo Danjire Yuusuf Axmed Xasan, iyadoo ay soo bandhigeen guulaha dublumaasiyadeed iyo iskaashiga saaxiibtinimo ee labada dal oo ay xaqiijisay Safaaraddu markii dib loo furay bilowgii sannadkan 2025.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Safiirka iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala Aljeeriya waxa uu ku adkeeyey in ay labo jibbaaraan shaqooyinka baaxada leh ee ay Safaaraddu u qabato muwaadiniinta Soomaaliyeed, ayna doorkooda ka qaataan dhaqan gelinta heshiisyada iskaashi ee ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Aljeeriya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...