Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

Date:

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada ee Golaha Shacabka oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa.

Ugu horreyn Xildhihaan Cali Xaaji Daahir oo ah Guddoomiyaha Guddiyada Garsoorka Caddaaladda Awqaafta iyo Arimaha Diiinta ee Golaha Shacabka ayaa kulanka guddiga joogtada ku dhaariyey wasiir kuxigeenka cusub ee wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Maryan Cali Abuukar oo dhowaan xilkaasi loo magacaabay.

Intaasi ka dib xubnaha guddiga joogtada ayaa ka dooday Ajendayaasha kulamada guud ee golaha shacabka todobaadka soo socda iyo guud ahaan shuruucda golaha horutebinta u leh kalfadhiga todobaad, waxaana xubnaha guddiga hab gacantaag ah ku ansixiyeen Ajendayaasha gole weynaha looga doodi doono todobaadka soo socda.

Ugu dambeyn Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha guddiga kula dardaarmay dardargelinta howlaha horyaala golaha kalfadhiga todobaad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...