Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiisyo is-afgarad ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Date:

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa ansixiyey heshiisyo Is-afgarad ah oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kuwaas oo ku saabsan iskaashiga Warbaahinta iyo Dhaqanka ee labada dal.

Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa warbixinno la xiriira ammaanka caasimadda iyo guud ahaan dalka, waxaa looga dhageystay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo uu weheliyo Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Warbixinnadaas ayaa lagu soo bandhigay horumarka laga sameeyay sugidda amniga, iyo qorshaha lagu xaqiijinayo amniga doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir ee dhawaan la qaban doono.

Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyay guulaha ay Ciidanka Qalabka Sida ka gaareen dagaalka lagula jiro Khawaarijta, iyo dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo amniga iyo badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa cambaareeyay dhacdooyinkii ka baxsanaa dhaqanka iyo diinta suubban ee Islaamka ee lagu dhibaateeyay shacab birma-geydo ah, iyada oo Xukuumaddu ay fartay hey’adaha amniga in sharciga la horkeeno cid kasta oo ku lug yeelatay falalkaas xadgudubka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mas’uuliyiin Galmudug ah oo sagootiyay arday tartanka Qur’aanka uga qeybgalaya Muqdisho

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Goboleedka Galmudug ayaa magaalada Galkacyo...

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukun toogasho ah ku fulisay dhagarqayaal Khawaarij ah

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka...

Tababar ku saabsan qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Muqdisho lagu qabtay

Tababar ku saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran (Green Climate...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida Dr Cumar Aaden Cadde

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...