Xafiiska Amniga Qaranka oo daahfuray Shirka maareynta Hubka iyo Rasaasta ee 2025–2030.

Date:

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay Shirka Isku-duwidda Maareynta Hubka iyo Rasaasta oo la qabto labo jeer sannadkii. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray ansixinta Istaraatiijiyadda Qaranka ee Maareynta Hubka iyo Rasaasta 2025–2030.

Shirka waxaa guddoominayey La-taliyaha Amniga Qaranka, waxaana ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Difaaca, wakiillo ka socday Wasaaradaha Amniga Gudaha, Caddaaladda, hay’adaha amniga sida Booliska, NISA, Asluubta iyo Xoogga Dalka. Waxaa kale oo goobjoog ahaa wakiillo ka socday Qaramada Midoobay, safaarado iyo hay’ado caalami ah.

La-taliyaha Amniga Qaranka ayaa sheegay in kulankan uu muujinayo sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay nidaaminta hubka iyo rasaasta, si loo waafajiyo xeerarka caalamiga ah iyo go’aannada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Agaasimaha Wasaaradda Difaaca, Mudane Abdulqaadir, ayaa tilmaamay in istaraatiijiyaddu diiradda saaraysa dhismaha awood dowladeed, yareynta khatarta kaydinta rasaasta, iyo joojinta faafinta hubka sharci darrada ah, iyadoo la raacayo tilmaamaha IATG iyo Qaraarka UNSC ee 2776 (2025).

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday in Wasaaradda Gaashaandhigga ay u gudbiso istaraatiijiyadda Golaha Wasiirrada si loo ansixiyo loona bilaabo hirgelinteeda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Hodan oo u gudubtay wareegga 2-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan.

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

War-saxaafadeed:horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...