Urrur siyaasadeedka JSP oo daah furay ololaha Musharaxa Duqa Muqdisho.

Date:

Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si heer sare ah u qabtay munaasabad ballaaran oo lagu hawlgelinayay hawlwadeennada ololaha doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Munaasabaddan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeybgalay hawlwadeenno iyo taageerayaal badan, kuwaas oo muujiyay firfircoonida iyo diyaar-garowga ay u leeyihiin hirgelinta qorshaha ololaha doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Waxaa sidoo kale kasoo qeybgalay munaasabadda Wasiirro, Xildhibaano, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Ururka, Xoghayayaal, Garabyada kala duwan ee Ururka, Guddoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.

Ugu dambeyn, kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Ururka, Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) uu yahay musharaxa rasmiga ah ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) u matalaya xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud received at the Presidential...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo, Abriil, 03, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...