Soomaaliya oo Khibraddeeda Maaliyadeed la kajeedisay Shir Caalami ah oo ka dhacay Beirut.

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa maanta ka qeyb galay Shirka Wasiirrada Maaliyadda ee Wadamada Carabta oo ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Beirut, caasimadda dalka Lebanon.

Shirka ayaa si gaar ah diiradda u saaray maalgelinta arrimaha bulshada, gaar ahaan waxbarashada, caafimaadka iyo daryeelka dadka nugul.

Wasiir Biixi oo dood heer sare ah ka qeyb galay, kana ag fadhiya Wasiirrada Maaliyadda ee dalalka Lebanon, Ciraaq iyo Syria, ayaa soo bandhigay waayo-aragnimada Soomaaliya ee ka soo kabashada colaadaha iyo guulaha laga gaaray dib-u-habaynta maaliyadeed.

Waxa uu sharaxay horumarka la taaban karo ee dowladda Soomaaliya ka gaartay adeegsiga tiknoolajiyada si loo kordhiyo dakhliga gudaha, iyadoo lagu guuleystay dib-u-habaynta maamulka maaliyadda, xasilinta dhaqaalaha iyo deyn cafinta iyadoo loo marayo habka HIPC.

Wasiirku waxa uu xusay sida dadaalladaasi ay usii xoojinayaan kalsoonida caalamka iyo taageerada horumarineed ee Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud received at the Presidential...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo, Abriil, 03, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...