Soomaaliya oo ka qeybgashay Shirweynaha 7aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Adduunka  

Date:

Shirweynaha toddobaad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Adduunka ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Islamabad ee dalka Pakistan. Soomaaliya waxaa shirka ku meteleysa Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Shirka sanadkan ayaa diiradda lagu saarayaa mowduucyada ku saabsan nabadda, degganaanshaha iyo horumarka, waxaana ka qeyb galaya wufuud heer caalami ah oo ka socda Baarlamaannada waddamada kala duwan.

Marwo Sacdiya Yaasiin ayaa ka jeedisay shirka khudbad ay ku muujisay muhiimadda uu shirkan u leeyahay dalalka caalamka, gaar ahaan Soomaaliya, iyadoo xustay in nabad iyo degganaansho ay saldhig u yihiin horumarka dowladnimada.

Inta lagu guda jiro shirkan, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeelan doonta madaxda Baarlamaannada kale ee ka qeyb galaya, si loo xoojiyo iskaashiga iyo wada shaqeynta Baarlamaannada caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud received at the Presidential...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo, Abriil, 03, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...