Ololaha urrurada siyaasada ee doorashada deegaanka oo ka bilaabmay Muqdisho.

Date:

Shacabka magaalada Muqdisho iyo ururrada siyaasadeed ee diiwaangashan ayaa si rasmi ah u bilaabay ololaha doorashada Golaha Deegaanka, taasoo lagu wado in ay noqoto mid taariikhi ah oo hirgelisa nidaamka dimuqraadiga ah ee daahfurnaanta ku dhisan.

Ololahan ayaa lagu arkayaa xayaysiisyada musharixiinta, shirar dadweyne, boorarka wacyigelinta iyo kulamo siyaasadeed oo ka dhacaya degmooyin badan oo ka tirsan gobolka Banaadir. Ururrada siyaasadeed ayaa bilaabay in ay la kulmaan bulshada rayidka ah si ay ugu bandhigaan barnaamijyadooda ku aaddan maamulka deegaanka, adeegyada dadweynaha, iyo horumarinta caasimadda.

Tani waa markii ugu horreysay ee shacabka Muqdisho ay si toos ah uga qayb qaadanayaan doorasho heer deegaan ah muddo ku dhow 50 sano, taasoo astaan u ah koboca hannaan dowladnimo oo sal adag ku leh kalsoonida shacabka.

Guddiga doorashooyinka heer gobol iyo mid qaran ayaa ku baaqay in ololaha lagu wado nabad, is-ixtiraam, iyo ilaalinta sharciga, si loo xaqiijiyo doorasho xor iyo xalaal ah. Shacabka reer Muqdisho ayaa si weyn u muujinaya xiisaha iyo ka-qaybgalka codbixinta soo socota.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud received at the Presidential...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo, Abriil, 03, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...